Cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia oo aad u fara badan ayaa gaaray deegaanka Janta-guudisho ee gobolka Hiiraan, kuwaaso ka soo kicitimay deegaanka Feer-feer ee galinka shanaad dhulka ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia.
Ciidamadan Ethiopianka ayaa la sheegay in ay galbinayaan maamulkii magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo meesha ka baxay markii xoogaga hubeysan ee ku kacsan dowladda KMG ah gudaha u galeen magaalada Balad weyn.
Hadal heynta ugu badan magaalada Balad weyn maanta ayaa waxaa ay tahay dib ugu laabashada maamulkii degmadaasi ee dowladda KMG ah hore u soo magacaawday iyo xoogaga ka soo horjeeda oo iyagu ku sugan deegaano aan ka fogeyn xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Balad weyn.
Dadka ku dhaqan magaalada Balad weyn ayaa arrinta walaac aad u xoogan ka qaba iyadoo qaar ka mid ah qoysaska ku dhaqan magaaladaasi ay bilaabeen in ay ka barakacaan guryahooda ka dib markii ay maqleen in ciidamada Ethiopia ku soo siqayaan deegaanadooda. |