Madax weynaha dowladda KMG ah, C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka codsaday cid waliba oo ka tirsan beesha caalamka in ay ka shaqeyso sidii ciidamo caalami ah loogu soo diri lahaa dalka Somalia si loo soo gaba gabeeyo dagaalada ahliga ah ee daba dheeraaday ee ka jira gayiga Somalia.
Warkan ayuu ka sheegay madax weyne C/llaahi Yuusuf Axmed shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Keynta, halkaasoo uu gaaray markii uu ka soo qeyb galay kulankii 11-aad ee madaxda Africa oo lagu qabtay magaalada Sharmal Sheekh.
Madax weyne Yuusuf ayaa ku celiyey in uu baaq xoogan u jeedinayo golaha ammaanka ee QM in uu ciidamo caalami ah u soo diro dalka Somalia si dhibaatooyinka taagan loo soo afjaro.
C/llaahi Yuusuf ayaa dhanka kale ka hadlay dib u heshiisiinta isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey in uu si rasmi ah u dhaqan galo heshiiskii dhowaan ay ku kala saxiixdeen dowladda KMG ah iyo xubnaha isbaheysiga dib u xoreynta magaalada Djibouti ee xarunta Jabuuti. |