Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Kooxo hubeysan oo Labo ruux ku toogtay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 03 July - 2008 [Radio Simba]

Labo ruux ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ka dib markii kooxo ku hubeysan bastoolado ay toogteen labadaasi ruux, goobtaasi ayayna labaduba ku geeriyoodeen.

Kooxihii dilka geestay ayaa goobta isaga tagay, iyadoo bulshada ku dhaqan degmada Dharkeenley ay cabsi xoogan ka muujiyeen dilka maanta ka dhacay gudaha degmadaasi.

Xiriiro kala duwan oo idaacadda Simba la sameysay dadka ku dhaqan degmada Dharkeenley, waxay ku warameen labada ruux oo geeriyooday falal amni daro ka wadeen xaafadaha degmadaasi xilliyada habeenkii, isla markaana maanta ay toogteen labadaasi ruux kooxo hubeysan oo aan illaa iyo haatan la aqoonsan cidda ay ka tirsan yihiin, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda.

Dhegmada Dharkeenley ayaa ka mid ah goobaha ay ka dhacaan dilalka, falalkaasi oo aaney jirin cid si rasmi ah isku howshay in ay wax ka qabato.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani