Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Sh. Xasan Daahir oo soo dhoweeyey kulanka lagu dhex dhexaadinayo isbaheysiga dib u xoreynta.

Muqdisho, Arbaco, 02 July - 2008 [Radio Simba]

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dowlada Yemen ay u fidisay isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya casumaad ku saabsan in dalka Yemen lagu qabto kulan ay isugu imaanayaan qaar ka mid ah madaxd isbahaysiga si meesha looga saaro qilaafka soo kala dhexgalay isaga, sida ay sheegtay idaacada VOA-da Maraykanka oo wareysi dhanka taleefanka ah la yeelatay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Kulanka oo ay isugu imaanayaan Sheekh Shaiif Sheekh Axamed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in kulankaasi aanu ka qeyb galei doonin, balse uu soo dhoweynayo heshiiska labada dhinac iyo wixii natiijo wanaagsan ee ka soo baxa, sida ay sheegtay Idaacada codka Mareykanka.

Dhanka kale, profesoor ku taqasusay arrimaha Afrika ayaa sheegay in Sh. Shariif Sh. Axmed uu sheegay in isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ay ka midaysan yihiin in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka Soomaaliya, iyo in gebi ahaan dalka laga xoreeyo ciidamada Itoobiya.

Wuxuuna Sheekh Shariif sheegay in ay ka dhursugayaan natiijooyinka shirkii jabuuti oo go'aanada ay ku jireen in ciidamada Itoobiya dalka Soomaaliya looga saaro 120 maalmood gudahood.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani