Waxaa isasoo taraya qasaarihii ka dhashay madaafiicdii habeenkii xalay ku dhacday qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ka dib markii dagaal kulul ay isaga horyimaadeen ciidamada AMISOM iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye gudaha Somalia.
Inta la ogyahay shan ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay inka badan toban kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray ka dib markii ay dadkaasi qaarkood madaafiicda ugu tageen xaafadahooda halka qaar kalena ay haleeshay rasaas wiifto ah.
Iyadoo dagaalkii xalay uu ahaa mid aad u xoogan isla markaana la'isku adeeg saday hubka noocyadiisa kala gadisan, ayaa cisbitaalka Madiina oo saaka booqday wariye ka tirsan idaacadda Simba, halkaasi ayaa la gaarsiiyey dad gaaraya illaa sagaal ruuux oo dhaawacyo kala duwan qaba.
Dagaalkii xalay ayaa saameyn aad u balaaran ku yeeshay isku socodkii xaafadihii uu ka soconayey dagaalka ka dib markii ay hakad galeen gawaaridii wadooyinka isticmaaleysa, waxaana dagaalka uu markii dambe ku sii fiday goobo ka baxsan halkii uu marka hore ka qarxay ee deegaanka KM-4 ee magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa saaka ah mid degan, waxaana jirta howlo baaritaano ah oo ciidamada AMISOM ay saaka ka bilaabeen wadada dheer ee u dhaxeysa deegaanka KM-4 iyo eerboorka magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka baarayaan waxyaabaha qarxa. |