Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Dowladda KMG ah oo shaaca ka qaaday in wadamo badan laga aqoonsaday baasaboorka cusub.

Muqdisho, Arbaco, 02 July - 2008 [Radio Simba]

Qunsulka safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya Maxamed Cusmaan Aadan ayaa shaaca ka qaaday in baasaboorka Soomaaliya uu yahay mid caalami ah oo ay u baahnaayeen shacabka Soomaaliyeed ee u safraya dalalka caalamka.

Baasaboorka Soomaaliya oo inta badan wadamada caalamka aysan aqoonsaneyn ayaa qaar ka mid ah bilaabay sanadkan in ay aqoon sadaan, inkastoo shacabka Soomaaliyeed ee baasaboorka ku safraya ay kala kulmaan caqabado badan mararka fiisaha ay doonayaan.

"way ku qasbanaan doonaan dalalka oo dhan in ay baasaboorkeena aqoonsadaan, waxaana hada aqoonsaday 174 dowladood, waana mid cusub oo dowladda KMG ah ay sameysay" sidaasi waxaa yiri Maxamed Cusmaan Aadan oo wareysi ay la yeelatay wariyaha idaacadda Simba uga soo waranta magaalada Nairobi, Leylo Sheekh Aadan.

Waxaa uu inta ku daray Maxamed Cusmaan in aduunka ay ka heysato fadeexo badan qofka Soomaaliga ah oo uu cambareysan yahay meel kasta oo lagu arko, xabsiyada caalamkana ay ku xiran yihiin Soomaali aan tiro laheyn.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in safaaradda uu madaxda ka yahay maalin kasta ay gaaraan dacwado badan. iyadoona isku celcelis Soomaalida ku xirxiran dalalka reer Yurub ay kor u dhaafayaan "15600 oo dad Soomaali ah".

Baasaboorka cusub ee ay soo saartay dowladda KMG ah ayaa waxaa sameystay inta badan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo kuwo qurbo jooga ah. Marka la eego Dalka Keynya Soomaalida ku nool hadii ay ganacsato ahaan laheyd ama dadka qaxootiga ayaa bilaabay in ay sameystaan baasaboorka cusub oo dowladda Keyna ay dhowaan aqoon satay iyagoo ku safri kara wadamo Afrikaan ah.

Leylo Sheekh Aadan
Radio Simba
Nairobi-Kenya

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani