Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Sidee looga caasimadda looga xusay munaasabadda 1-da Luulyo, maalinta calanka Soomaaliyeed?

Muqdisho, Talaado, 01 July - 2008 [Radio Simba]

Munaasabado lagu weyneenayo 1-da bisha Luulyo oo ku beegneyd saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho si loo xuso maalintaasi taariikhiga ah isla markaana shacabka Soomaaliyeed baalka dahabka kaga jirta maalintaasi. inkastoo hadana munaasabadaha aysan u dhicin sidii hore loo qaban jiray.

Xarunta gaadiidka ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay munaasabadda lagu xusayo 1-da Luulyo markii ay israaceen gobolada waqooyi iyo koonfur dalka Somalia, waxaana goobtaasi isutagay xubno sar sare oo ka tirsan dowladda KMG ah, maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socda bulshada ku dhaqan caaasimadda dalka ee magaalada Muqdisho.

Halkaasi ayaa waxaa lagu soo bandhigay ruwaayado ka tarjumaya xornimada oo ay soo bandhigeen fanaantii ka qeyb gashay munaasabadda, iyadoo ruwaayadahaasi ay la dhaceen qaabkii ay u socotay xubnihii ka qeyb galay oo ku dhalisay in ay dib u xusuutaan waqtigii hore, iyadoo marka la gaaray saqda dhexe halkaasi lagu saaray calanka Soomaaliyeed. Waxaana munaasabadda ku soo aaday xilli dalka uu jiro dagaalo soo noq noqday.

R/wasaare ku-xigeenka dowladda KMG ahna wasiirka wasaaradda garsoorka iyo arrimaha diinta, Saalim Caliyow Ibrow oo ka mid ahaa xubnihii dowladda uga qeyb galay munaasabadda ayaa halkaasi khudbad uu ka jeediyey waxaa uu sheegay in dowladda KMG ah xooga saari doonto arrimaha dib u heshiisiinta, si nabadda iyo kala dambeynta dib loo soo celiyo.

Xilli ay soo dhoweyd gaba gabadii munaasabadda ayaa tiro hoobiyeyaal ah lagu weeraray xaruntii ay ka socotay munaasabadda, taasoo ka dhigtay mid ku soo gaba gabowda munaasabaddaasi jawi cabsi iyo argagax.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani