Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Dagaal kulul oo ku dhex maray ciidamada Ethiopia iyo xoogaga ka soo horjeeda deg. Matabaan ee G/Hiiraan.

Matabaan, Talaado, 01 July - 2008 [Radio Simba]

Dagaal kulul oo u dhaxeeya ciidamada Ethiopia oo maanta dib ugu laabtay gobolka Hiiraan markii ay ka soo ruqaan sadeen degmada Guriceel iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa maanta ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, dagaalkaasi oo geestay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Inta la ogyahay afar ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Matabaan ka dib markii goobo dad rayid ah deganaayeen ay ku habsadeen madaafiicda xoogan ee dhinacyada iska soo horjeeda ay isweedaar sanayeen intii dagaalka uu socday, sida wararka nagu soo gaareen.

Dagaalkan ayaa yimid markii xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG ah iyo joogtaanka ciidamada Ethiopia gudaha dalka ay weeraro ku qadeeen ciidamadaasi, kuwaasoo maanta gudaha u galay gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in wali ay ishor dhadhiyaan labada ciidan, waxaana jirta cabsi fara badan oo ay qabaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan oo la xiriirta saameyn ay ku yeeshaan dagaalada.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani