Main Menu
Home
Contact
About
News In English
 
 

Ciidamada Ethiopia oo saaka ka ruqaansaday degmada Guriceel ee xarunta gobolka Galguduud.

Muqdisho, Talaado, 01 July - 2008 [Radio Simba]

Saaka ayaa ciidamada Ethiopia ee dhowaan gudaha u galay degmada Guriceel ee xarunta gobolka Galguduud ay isaga guureen xarumihii ay ka degeen degmadaasi iyagoo u ruqaan saday sida la sheegay gobolka Hiiraan.

Dadka fara ku tiriska ah ee ku haray gudaha degmada Guriceel ayaa saaka kormeero ku tagay xaafadihii dagaalad culus ay ka dhaceen intii ciidamada Ethiopia ay ku sugnaayeen gudaha gobolka Galguduud.

Intii ciidamada Ethiopia ay joogeen gudaha gobolka ayaa dagaal culus ku dhex maray xarunta gobolkaasi ciidamadaasi iyo xoogaga ka soo horjeeda, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyey uu dhacay habeenkii xalay, isla markaana uu geestay qasaaraha dhimasho inta la ogyahay illaa 15-ruux oo rayid ah.

Dagaaladaasi ayaa qeyb ka ahaa dagaalada inta badan ay ku dhex maraan ciidamada Ethiopia iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaankooda gudaha dalka Somalia gobolada dalka.

 

 
 
   
Copy Right © 2007 All Right Reservered
www.simbanews.com
Designed By: Jadmaani