Seminaar ay soo qaban qaabisay safaaradda Mareykanka ee Somalia isla markaana mudo afar maalmood soconayey ayaa lagu soo gaba gabeeyey degmada Mandheera ee waqooyi bari dalka Kenya. Seminaarkaasi ayaa waxaa ka qeyb qaatay inka badan 70 ruux oo dhalinyaro oo ka kala socday magaalooyinka Mandheera iyo B/xaawo.
| Links - Mandhera - Seminar |
|
Seminaarkan ayaa mudadii uu socday ayaa dhalinyarada ka qeyb qaadatay waxaa ay sameynayeen dhinacyada Sport-ga, Farshaxanka, Gabayada, Aqriska Quraanka iyo qoridda maqaalada dhambaalada oo ay baaq ugu jeedinayeen dadka Soomaaliyeed ee ay dagaaladu la dageen. Gaba gabadii Seminaarkan ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah saraakiisha safaaradda Mareykanka ee Somalia oo lagu magacaabo Mark, isagoona baaq u jeediyey shacabka in ay ka qeyb qaataan arrimaha nabad gelyada dalka.
Munaasabadda lagu soo qaba gabeynayey seminaarka ayaa waxaa ka qeyb galay mas'uuliyiin ka kala socotay labada degmo ee deriska ah, iyagoo gudoomiyaha maamulka degmada Mandheere uu shahaadooyin gudoonsiiyey dadkii guulaha kasoo hoyey seminaarkaasi lagu qabtay degmada Mandheera.
Maamulka degmada Mandheera ayaa ku dhiira galiyey ka soo qeyb galayaasha seminaarka in ay si wada jir uga qeyb qaataan Seminaaro midkan la mid ah.
Sidoo kale Mr. Mark ayaa bilado gudoonsiiyey tartamayaashii ka qeyb galay Seminaarka, iyadoo Seminaarka lagu soo qaba gabeeyey jawi farxad leh, isla markaana ka qeyb galayaasha ayaa dib loogu celiyey deegaanadii ay ka kala yimaadeen.
|