Qarax bam oo lagu dilay labo ka tirsan ilaalada waaxda socdaalka ee dowladda KMG ah gudaha Muqdisho
Posted on : Axad, 16 November 2008 - Simba, Muqdisho
Waaxda socdaalka ee dowladda KMG ah ayaa ka war bixiyey weerar bam baano oo lala beegsaday xafiiska waaxdaasi, kaasoo geestay qasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka tirsan ilaalada xafiiska.
Inta la ogyahay labo askari ayaa ku geeriyootay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, sida uu xaqiijiyey taliyaha waaxda socdaalka, C/llaahi Gaafow oo u waramayey idaacadda Simba.
Mr. Gaafow waxaa uu sheegay in weerarka laga soo abaabulay guri ku dhow xafiiska waaxda, isla markaana haatan ay wadaan baaritaano la xiriira cidda ka dambeysa weerarkaasi.
Weerarkan ayaa waxaa uu dhacay habeenkii xalay kaasoo la sheegay in bam gacmeed lagu tuuray xafiiska waaxda socdaalka ee ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. |