Maraakiibta NATO oo ka hortagay afduub la damacsanaa in loo geesto marka wata calayna Panama
Posted on : Axad, 16 November 2008 - Simba, Muqdisho
Isbahaysiga nato ayaa sheegay in markab dagaal oo laga leeyahay dalka talyaaniga oo ka tirsan ciidamada la dagaalanka burcad badeedka ayaa ka hortagay weerar la damacsanaa markab watay calanka panama.
Markabka ayaa markii la soo weeraray wuxuu ku sugnaa gfacanka cadmeed isagoo fariimo ah inuu dhibaataysanyahay uu u dirsaday marekabka talyaaniga kaasoo si dhaqso ah uga jawaabay baaaqaasi.
Markabka dagaal ee talyaaniga ayaa lagu magacaabaa luigi Durant de la pene ayaa u soo diray markabka la weeraray diyaaradaha helicopterska .
Nato ayaa waxay sheegtay in burcaddu markii ay aragtay diyaaradaha qumaatiga u kaca ay eek u soo socda ay halkaasi ka carareen.
Biyaha soomaaliya ayaa ah kuwo dunida ugu qatarsan iyadoo 85 weerar lagu qaaday maraakiib maraysay biyaha soomaaliya iyo gacanka cadmeed.
markabka ayaa la sheegay inuu socday dhanka kanaalka suways iyadoo aan la garanayn halka uu ka yimid. |