:: Welcome --- Simba | News in Somali

Dadkii ka barakacay degmada Ceelwaaq oo bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda
Posted on : Axad, 16 November 2008 - Simba, Baardheere

Dadkii ka barakacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa qaar ka mid ah dadkaasi waxaa ay bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.

Waxaa dib loo furay goobihii ganacsiga ee degmada Ceelwaaq, iyadoo dadkii ay dib ugu soo laabteen deegaanadooda kuwaasoo ku sugnaa daafaha magaalada halkaasoo ay ku dhibaateysnaayeen.

Maamulka Islaamiga ee degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in haatan ay tahay xaaladdu mid caadi ku soo laabatay, isagoona bulshada ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan xaafadahooda.

Iyadoo ay tani jirto, ayaa degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxaa ka soconayo dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidamada maamulka Islaamiga ee gobolkaasi iyo xoogaga Al-Shabaab.

Ma cada u jeedada, balse maamulka ayaa ku tilmaamay mid lagu sugayo ammaanka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taagneyd shaqaaqado ay dad badan ku barakaceen.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani