Sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose oo lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha
Posted on : Axad, 16 November 2008 - Simba, Duleedka Muqdisho
Weerar hubeysan ayaa lagu qaaday bar kontarool oo ku taala deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Sh/Hoose iyadoo labo askari kalena ay kudhaawacmeen.
Xoogag hubeysan ayaa weerarka ku qaaday bartaasi kontarool halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose, qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa u sheegay idaacadda Simba.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Maxkadaha Islaamiga ayaa ku waramay in ay howl galo ka sameeyeen gudaha deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhaqan halkaasi ayaa walaac fara badan ka muujiyey weerarkani, hasa ahaatee waxaan la ogeyn qasaaraha soo gaaray dhinaca kale ee weerarka soo qaaday.
Dhowan ayey aheyd markii xoogaga dagaalama ay inta badan la wareegeen gacan ku heynta maamulka gobolka Sh/Hose, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu horeeyey wixii ka dambeeyey talaabadaasi ay xoogaga dagaalama kula wareegeen gobolka Sh/Hoose intiisa badan. |