:: Welcome --- Simba | News in Somali

2 qofood ganacsato ah oo ku geeriyootay gaari lagu rasaaseeyey degmada Hodan ee mag. Muqdisho
Posted on: Sabti, 15 November 2008 - Simba, Muqdisho

Koox hubeysan ayaa maanta ku rasaaseeyey gaari nooca rakaabka ah agagaarka Iskuulka Dhagaxtuur ee degmada Hodan. Rasaastan ayaa ka dhalatay qasaare nafeed oo soo gaaray dadkii saarnaa gaariga.

Dad goob joogeyaal ayaa idaacadda Simba u xaqiijiyey in ay goobta ku geeriyoodeen labo qofood kuwaasoo la sheegay in ay ka mid ahaayeen ganacsatada qeybta sarifka ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ma cadda u jeedada ka dambeysa iyo cidda falkani u geesatay dadkan ganacsatada ah, iyadoo aysan jirin cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.

Goobta ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne ka agdhowaa, ka dib markii ay halkaasi ka dhaqaaqeen raggii falka geestay, dadka deegaanka ayaa u sheegay Idaacadda Simba.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani