:: Welcome --- Simba | News in Somali

Askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee mag. Baydhabo oo toogasho lagu dilay
Posted on: Sabti, 15 November 2008 - Simba, Baydhabo

Goor dhoweyd ayaa koox hubeysan waxaa ay toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Bay, xilli uu soconayo kulan lagu falan qeynayo amni darida iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Dilka askarigan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Baydhabo halkaasoo rag hubeysan ay rasaas kula beegsadeen askariga, wariyaha idaacadda Simba ayaa soo sheegay.

Taliyaha ciidamada dowladda KMG ah ee ka howl gala magaalada Baydhabo, Dhamme Aadan Biid ayaa ka hadlay dilkan maanta ka dhacay gudaha magaalada, isagoona cambaareyn dusha kaga tuuray kooxdii ka dambeysay falkaasi lagu dilay askariga.

Dilkan ayaa yimid waxyar ka dib markii ay kulan isugu yimaadeen Odayaasha deegaanka, Culuma udiinka, qeybaha bulshada iyo weliba saraakiisha ciidamada, si ay uga arrin sadaan xaaladda nabad gelyo oo faraha ka sii baxeysa, magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee magaalada Baydhabo oo iyagu jeediyey hadalo ay ku sheegayaan in ay wax ka qaban doonaan ammaanka faraha ka sii baxayo ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani