:: Welcome --- Simba | News in Somali

Cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia oo ka soo ruqaan saday fariisin ay ku lahaayeen deg. Afgooye
Posted on : Sabti, 15 November 2008 - Simba, Muqdisho

Cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ayaa saaka ka soo ruqaansaday fariisin ay ku lahaayeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, kuwasoo ku soo wajahan caasimadda, Muqdisho.

Ciidamada Ethopia oo ay la socdaan 10 gawaarida loo yaqaano Ural-ka ayaa waxaa ay isku soo dhiririyeen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana la arkayey qaar ka tirsan ciidamada Ethiopia oo wadada lugeynaya.

Ma cadda sababta, balse wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Ethiopia si tartiib tartiib ah uga soo baxayaan gobolka Sh/Hoose oo inta badan gacan ku heyntiisa ay la wareegeen dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab.

Waa markii labaad oo ciidamada Ethiopia cutubyo ka tirsan ka soo ruqaan sadaan fariisinkii ay ku lahaayeen degmada Afgooye, todobaad gudahiis, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba, Sheekh Caddow Amiin.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani