:: Welcome --- Simba | News in Somali

Markab laga leeyahay dalka China oo lagu afduubay biyaha wadanka Somalia
Posted on: Jimce, 14 November 2008 - Simba, Muqdisho

Sida ay qorta wakaalada wararka Xinhua, buracd badeed Soomaali ah ayaa waxa ay afduub u gaysteen markab kuwa kaluumaysiga ah oo lagu magacaabo Tianyu No-8 iyo dhamaan shaqaalihii saarnaa markabkaasi, kaasi oo loo kaxaystay dhanka waqooyi ee xeebaha dalka Soomaaliya.

Shaqaalaha saran markabkaasi ayaa waxa ay isugu jireen 24 shaqaale ah kuwaasi oo 15 ka mid ah u dhashay dalka China, qof Taiwan ah, qof Japan u dhashay, saddex u dhalatay dalka Philpin iyo sidoo kale afar ka soo jeeda dalka Vietnaam.

Wasaarada arrimaha dibada ee wadanka China ayaan wax faahfaahin ah ka soo saarin afduubkan loo geestay markabka.

Saraakiisha xeebaha ayaa sheegay in sanadkan ay ka dhaceen xeebaha dalka Soomaaliya 83 weerar oo loo gaystay maraakiib halkaasi isticmaalaysay waxaana afduub loo gaystay 33 maraakiib.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani