:: Welcome --- Simba | News in Somali

Ciidamada badda dalka Ingiriiska oo toogasho ku dilay dad ay ku sheegeen in ay yihiin 'burcad badeed'
Posted on: Khamiis, 13 November 2008 - Simba, Muqdisho

Wasaaradda difaaca dalka Ingiriiska ayaa waxaa ay xaqiijisay in weerar uu ka dhacay biyaha u dhaxeeya Somalia iyo Yemen maalinimadii talaadada, xilligaasi oo kooxo burcad badeed ay isku dayeen in ay fuulaan markab halkaasi ku sugnaa.

Kooxaha burcad badeeda ayaa la sheegay in ay la socdeen markab hore ugu luglahaa weeraro lagu qaaday markab kale oo laga leeyahay dalka Denmark.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ayaa waxaa uu sheegay in ay toogasho ku dileen kooxahan burcad badeeda ah ka dib markii kooxahaasi ay rasaas ku soo fureen iyagoo isdifaacayey, sida uu yiri.

Burcad badeeda ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay fuulaan dusha markabkan laga leeyahay dalka Ingiriiska, balse waa ay ku guul dareesteen isku daygooda, sida ay tiri wasaaradda difaaca dalka Ingiriiska.

Iyadoo ay tani jirto, ayaa qof dhaawac ah oo dhalashadiisu tahay Yemen waxaa laga helay markabka ay saarnaayeen kooxaha burcad badeeda oo labo ka mid ah ay dileen ciidamada badda dalka Ingiriiska, inkastoo aan la xaqiijin karin ninkaasi Yemeniga ah in uu ku dhaawacmay howl galka.

Ciidamada Ingiriiska ayaa waxaa ay sheegeen in ay sii wadayaan baaritaano la xiriira sidii ay wax u dhaceen.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani