Cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia oo fariisin cusub ka sameystay kontaroolka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho
Posted on: Khamiis, 13 November 2008 - Simba, Muqdisho
Ciidamada Ethiopia ayaa galabta fariisimo ka sameystay kontaroolka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyey idaacadda Simba.
Cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ayaa maanta isku soo balaariyey wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho, halkaasoo ugu dambeyntii ay fariisimo ka sameysteen kontaroolka Siinka dheer.
Waxaa sii kordheysa cabsida iyo walwalka ay durbadiiba muujinayaan dadweynaha ku dhaqan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan hareeraha ay galabta soo dageen ciidamada Ethiopia, kuwaasoo aan si dhab ah weli loo ogeyn u jeedadooda.
Balse, waxaa uu ku soo beegmeysaa talaabadani xilli dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab ay howl galo ka sameeyeen qeybo ka tirsan deegaanada ku hareereesan kontaroolka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho. |