:: Welcome --- Simba | News in Somali

Maamulka Islaamiga ee degmada Jilib oo mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka Qaadka
Posted on: Khamiis, 13 November 2008 - Simba, Jilib

Dhammaanba goobihii lagu iibin jiray Qaadka iyo Sigaarka ayaa dibadda looga saaray degmada Jilib ee gobolka J/Dhexe waxaana goobahaasi loo raray goobo ka baxsan magaalada uu ka mid yahay saldhigii hore ee booliska, sida uu sheegay wariyaha Simba.

Arrinan ayaa ka dambeysay markii amar uu ka soo baxay maamulka Islaamiga ee ka arrimihi degmada Jibi ee gobolka Jubbada Dhexe.

Maamulka ayaa u sheegay ganacsatada in gudaha magaalada aan lagu iibin karin laguna isticmaali karin Qaadka iy Sigaarka, iyadoo gaadiid ku xiran cod-baahiyeyaasha lagu arkayey gudaha degmada, iyadoo markaasi ganacsatada u sheegaya 'in talaabo laga qaadi doono hiddii ku xadbudubta go'aankan'.

Amarkan ayaa hore waxaa laga soo saaray degmada Bu'aalo xaruniyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka, balse lama oga in amarkan laga dhaqan geli doono guud ahaanba gobolka J/Dhexe.

Dadka ka ganacsata Qaadka iyo Sigaarka ayaa waxaa ay walaac ka muujinayaan go'aankan ka soo baxay maamulka Islaamiga ee degmada Jilib, gobolka Jubbada Dhexe.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani