Taliska ciidamada dowladda KMG ah oo shaaca ka qaaday in ay dib ula wareegi doonaan G/Sh/Hoose
Posted on: Khamiis, 13 November 2008 - Simba, Muqdisho
Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ah, C/llaahi Xasan Bariise ayaa shaaca ka qaaday in dowladda KMG ah ay qorsheyneyso 'sidii ay dib ula wareegi laheyd' gacan ku heynta maamulka gobolka Sh/Hoose, sida uu yiri.
Gobolka Sh/Hoose ayaa inta badan waxaa la wareegay dhaq dhaaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab todobaadkan gudahiis, iyadoo ay xafiisyadooda faaru jiyeen maamulka dowladda KMG ah ay soo magacaawday ee gobolka Sh/Hoose.
C/llaahi Bariise, afhayeenka ciidamada dowladda KMG ah oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay amar ka sugayaan saraakiisha sare ee dowladda KMG ah, in ay qaadaan talaabo ka dhan ah isbedelka ka dhacay gobolka Sh/Hoose.
Lama oga sida uu u suurta geli karto dowladda KMG ah qorshaha ay haatan wado 'sidii ay dib ula wareegi lahaayeen gobolka Sh/Hoose', inkastoo aanay aheyd markii ugu horeysay oo xoogaga dagaalama ay dowladda KMG ah kala wareegaan deegaano ay maamuli jirtay. |