Gudoomiyaha baarlamaanka iyo xubno uu hogaaminayo oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo
Posted on: Khamiis, 13 November 2008 - Simba, Baydhabo
Goor dhoweyd ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo waxaa ka soo dagay gudoomiyaha maarlamaanka ee dowladda federaalka KMG ah, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobey), sida uu soo sheegay wariyaha idaacadda Simba.
Socdaalka Sh. Aadan Madoobe ayaa waxaa ku wehlinaya mudanayaal ka tirsan baarlamaanka federaalka KMG ah, iyadoo la adkeeyey ammaanka magaalada Baydhabo oo ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada dowladda KMG ah.
Saacadaha soo socda ayaa lagu wada in gudoomiyaha baarlamaanka uu ka war bixiyo safarkiisa iyo weliba qodobo la xiriira kulankii dhowaa ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
Mas'uuliyiinta ugu sareysa iyo dhammaanba hey'adaha federaalka ee dowladda KMG ah ayaa dhowaan u ambabaxay magaalada Nairobi ka dib markii ay casuumaad ka heleen madaxda urur goboleedka IGAD.
Waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo labada mas'uul ugu sareysa dowladda KMG ah ee M/weyne C/llaahi Yuusuf iyo R/w. Nuur Cadde ay maanta u ambabaxeen magaalada Addis Ababa, waxaana jira warar sheegaya halkaasi in la doonayo mar kale in lagu soo xaliyo kala fakar duwanaansho ka dhextaagan madaxda dowladda KMG ah. |