Dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta xarunta gobolka Sh/Hoose
Posted on: Arbaco, 12 November 2008 - Simba, Marko
Iyadoo dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab ay shalay la wareegeen qeybo ka tirsan gobolka Sh/Hoose ayaa maanta xoogagaasi waxaa ay gaareen magaalada Marko ee xarunta gobolka, sida uu soo sheegay wariyaha idaacadda Simba.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Marko ayaa si aad ah u soo dhoweeyey xoogaga Al-Shabaab, balse ma jiraan illaa iyo haatan war ka soo baxay mas'uuliyiinta maamulkii ka arrimin jiray degmada Marko ee xarunta gobolka Sh/Hoose.
Afhayeenka ciidamada milatariga dowladda KMG ah, Daahir Dheere oo idaacadda Simba u waramay ayaa sheegay in ay amar ka sugayaan saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah, si ay talaabo u qaadaan, la wareegidda magaalada Marko.
Dadka ku dhaqan gobolka ayaa waxaa ay hadal hayaan isbedelka laga dareemayo gobolka Sh/Hoose oo haatan ay inta badan gacanta ku hayaan xoogaga Al-Shabaab, hasa ahaatee lama oga waxyaabaha uu soo kordhin doono isbedelka ka taagan gobolka. |