:: Welcome --- Simba | News in Somali

Fatahaada wabiga Shabelle oo aad u saameeyey dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan
Posted on: Arbaco, 12 November 2008 - Simba, B/weyn

Fatahaad uu sameeyey wabiga Shabelle ayaa waxaa uu go'doomiyey tuulooyin fara badan oo hoos taga gobolka Hiiraan, iyadoo dadkii ku dhaqnaa hareeraha wabiga ay bilaabeen in ay ka wareegtaan deegaanadooda.

Fatahaada uu sameeyey wabiga, ayaa dadweynaha waxaa ay sheegayaan in uu ku yeeshay saameyn dhanka nolosha ah.

Xilli walba marka uu bilawdo fatahaada wabiga ayaa dadka ku dhaqan tuulooyinka waxaa soo wajaha culeys dhanka nolosha ah, iyadoo ay fog tahay dhinaca masaafada ay kaga wareeganayaan fahtahaada wabiga.

Waxgaradka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday hey'adaha samafalka in ay u soo gurmadaan dadka uu saameeyey fatahaada wabiga Shabelle.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani