:: Welcome --- Simba | News in Somali

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee mag. Baydhabo oo la dhaawacay, howl galo ka socda Baydhabo
Posted on: Arbaco, 12 November 2008 - Simba, Baydhabo

Goor dhoweyd ayaa koox hubeysan waxaa ay dhaawaceen sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee magaalada Baydhabo. C/llaahi Cali Karkate oo dhaawac daran soo gaaray ayaa loola cararay cisbitaalka.

Goob joogeyaal ayaa idaacadda Simba u sheegay sarkaalkan in lagu rasaaseeyey xaafadda Bardaale ee magaalada Baydhabo, iyadoo dhaawaca soo gaaray C/llaahi Karkate uu yahay mid daran ka dib markii rasaasta lala beegsaday dhanka madaxa.

Ciidamada dowladda KMG ah ayaa howl galo baaritaano ka wada magaalada Baydhabo qeybo ka tirsan, waxaana dad badan lagu soo qabqabtay howl galadan ay wadaan ciidamada, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.

Dhacdadan ayaa waxaa ay saameyn ku yeelatay howlihii ganacsiga iyo isku socodkii dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo, iyadoo dadweynaha ay walaac fara badan ka muujinayaa xaaladdu sida ay haatan tahay.

Si kastaba, magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo kordhayey falalka ka dhanka ah ammaanka mudooyinkii ugu dambeeyey taasoo muuqata in maamulka uu ku fashilmay, waxaana ugu dambeyntii gudoomiyaha maamulka Baydhabo uu ku dhawaaqay in uu taageersan yahay qorshyaasha uu wado Sh. Shariif Sh. Axmed.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani