:: Welcome --- Simba | News in Somali

Isbaheysiga dib u xoreynta Jabuuti oo dhaq dhaqaaqyo ka wada G/Hiiraan 'in ay ku dhawaaqaan maamul islaami'
Posted on: Talaado, 11 November 2008 - Simba, B/weyn

Waxaa soconaya kulamo isdaba joog ah oo mas'uul ka tirsan Isabaheysiga dib u xoreynta dalka, kaa soo ku sugan magaalada Balad Weyn, uu la yeelanayo Waxgaradka iyo Odayaasha deegaanka, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.

Kulamadan ayaa waxaa ay ka soconayaan hoyga uu degan yahay Cumar Xaashi Aadan, halkaasoo laga dareemayo mashquul aad u fara badan.

Kulamadan ayaa waxaa ay la xiriiraan sidii wax looga qaban lahaa nabad gelyada gobolka, iyo sidii gobolka loogu sameyn lahaa maamul islaamiga ah, kaasoo guddiga xalinta khilaafaadka uu sheegay mudo bil gudaheed lagu soo afjari doono.

Dadka ku dhaqan magaalada Balad weyn ayaa iyagu siyaabo kala duwan uga hadlaya maamul u sameynta gobolka Hiiraan.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani