:: Welcome --- Simba | News in Somali

Ciidamada Amisom iyo kuwa Ethiopia oo toogasho ku dilay dad rayid ah gudaha magaalada Muqdisho
Posted on: Talaado, 11 November 2008 - Simba, Muqdisho

Illaa iyo labo qofood oo rayid ah ayaa lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay ka dib markii dadkaasi ay si kala gooni gooni ah u toogteen ciidamada Amisom iyo kuwa Ethiopia ee fariisimaha ku kala leh Wardhiigley iyo nawaaxiga garoonka diyaaradaha.

Goob joogeyaal ayaa idaacadda Simba u xaqiijiyey ciidamada Ethiopia ee ku sugan isgoyska Xariyaale ee degmada Wardhiigley ay saaka toogteen qof rayid ah oo wadada lugeynayey.

Ciidamada Amisom ayaa iyaguna xalay ku toogtay qof rayid ah agagaarka fariisinkooda ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo kordhayey dilalka lagula kacayo dadka shacabka ah kuwaasoo wax ay galabsadeen la ogeyn, gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani