:: Welcome --- Simba | News in Somali

Labo ka tirsan shaqaalaha Kaniisad ku taala Talyaaniga oo lagu afduubay deg. Caabud-waaq
Posted on : Isniin, 10 November 2008 - Simba, Caabud-waaq

Dabley Soomaali ah ayaa afduub u geestay labo haween u dhashay wadanka Talyaaniga kuwaas oo la sheegay in ay yihiin Sooriyo ka shaqeynayey Kaniisadda Roman Catholic ee ka dhisay talkaasi. Falkan ayaa waxaa uu ka dhacay xadka kala qeybiya Somalia iyo Kenya.

Afduubkan ayaa dadka deegaanka iyo hey'adda Bisha Cas Kenya, waxaa ay sheegeen in ay geesteen rag hubeysan, kaasoo ka dhacay degmada Caabud-waaq oo u dhow xadka labada dal.

War ka soo baxay ciidamada ammaanka wadanka Kenya ayaa lagu sheegay ragga afduubkan geestay in labada gabdhood ay u kaxeysteen dhanka Somalia.
Lama oga u jeedada ka dambeysa mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda afduubkan loo geestay shaqaale ka tirsan Kaniisadda Talyaaniga oo iyagu ah labo gabdhood.

Waxaa haatan soconaya dhaq dhaaqayo ay wadaan ciidamada ammaanka dalka Kenya iyo odayaasha deegaanka, sidii loo soo sii deyn lahaa labadan gabdhood ee dhalashadoodu ay tahay Talyaaniga.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani