:: Welcome --- Simba | News in Somali

3 ruux oo ku geeriyootay dagaalo ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho
Posted on: Isniin, 10 November 2008 - Simba, Muqdisho

Seddex ruux ayaa ku geeriyootay inta la ogyahay dagaalo maanta mar kale ka dhacay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyey ciidamada Ethiopia iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Dagaaladan, ayaa dadka deegaanka waxaa ay sheegeen, in ay bilawdeen markii ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah ka soo dhaqaaqeen fariismahooda ee Warshadaha, waxaana weeraro kala hor tagay xoogaga dagaalama.

Waxaa la maqlayey hubka noocyadiisa kala duwan oo madaafiicda qaarkii ay ku dhaceysay deegaano kala duwan, intii uu soconayey dagaaladan u dhaxeeyey garabyada iska soo horjeeda.

Dadka shacabka ayaa cabsi iyo walwal fara badan ka muujiyey dagalada ku soo noq noqonaya magaalada Muqdisho, inkastoo ay haatan caadi ku soo laabatay xaaladda goobihii ay dagaalada ka dhaceen maatan.

Waxaa ay ku soo beegmayaan iyadoo xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho ay jiifaad dadweyne fara badan oo dhaawacyo kala duwan qaba, kuwaasoo waxyeelada ka soo gaartay dagaaladii shalay gilgilay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani