:: Welcome --- Simba | News in Somali

Madaafiic duqeyn ah oo ku socoto gudaha suuqa ganacsiga ee Bakaaraha
Posted on: Axad, 09 November 2008 - Simba, Muqdisho

Waxaa weli soconaya dagaalada culus ee u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ah oo ay kaabayaan milatariga Ethiopia iyo ciidamada Amisom iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda, isla markaana la'isku adeegsanayo hubka waa weyn.

Dagaaladan ayaa suuqa ganacsiga ee Bakaaraha dadka ku kala carareen ka dib markii qeybo ka mid ah suuqa ay ku soo dhaceen tiro madaafiic aad u xoogan, walow aan la ogaan karin illaa iyo haatan qasaaraha ka dhashay duqeyntan.

Dagaalada ayaa waxaa ay weli ka soconayaan xaafadda Taleex, nawaaxiga KM-4, isgoyska Floransa iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Banaadir, balse weli lama oga qasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaaladan Muqdisho ka socda Hakafogaan Simbanews.com

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani