:: Welcome --- Simba | News in Somali

Xaaladda nolol xumo ee ay ku nool yihiin dadka soo barakacay ee ku dhaqan daafaha magaalada Muqdisho
Posted on: Axad, 09 November 2008 - Simba, Muqdisho

Dadka soo barakacay ee ku nool daafaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan ceelasha iyo Lafoole ayaa la soo daristay xaalad nolol xumo aad u baahsan ka dib markii uu gawaabsi noqday helitaanka biyaha.

Kaamamka ku yaala deegaanadan ayaa dadka ku nool goobahaasi laga dareemayaa saameynta uu ku yeeshay biyo la'aanta, sida uu soo sheegay wariyaha idaacadda Simba.

Dadkan ka soo barakacay deegaanadooda ee qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay codsanayaan in lala soo gaaro gargaar deg deg ah, si wax looga qabto nolol xumida soo wajahday.

Arrimahan ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan iyadoo ay weli dagaao ka soconayaan caasimadda, Muqudisho, taasoo ay dad horleh ka barakacayaan deegaanadooda xilli laga deyrinayo xaalada nololeed ay ku nool yihiin dadkii hore u barakacay.

| Contact
 
Copy Right © 2008 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani