Wasiir ka tirsan xukuumadda KMG oo shaaca ka qaaday qorshe "lagu weerarayo gobolada qaar"
Posted on: Jimce, 31 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho
Dowladda KMG wasiirkeeda dekadaha iyo gaadiidka badda Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa shaaca ka qaaday qorshe lagula wareegayo maamulada gobolada Gedo, Bay iyo Bakool.
Shir jaraa'id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, Xaabsade waxaa uu sheegay in ay diyaar yihiin ciidamo badan oo tobabar wanaagsan leh.
"Dowladdu waxaa ay diyaarisay ciidamo fara badan waxayna wadaa abaabul xoogan, ujeedaduna waxaa ay tahay in laga hortago dhibaatada ay wadaan.." ayuu yiri Xaabsade.
Wasiirka ayaa saxaafadda waxaa uu u sheegay in aan laga noqonin xayiraad uu kal hore sheegay in lagu soo rogay isticmaalka dekadaha iyo garoomada aan ku jirin gacanta dowladda KMG.
Waxaa uu ku faanay wax qabad ay la timid wasaaraddiisa isagoona tilmaamay in ganacsatadu si canshuur la'aan ah badeecadahooda ugala soo dagaan dekadaha ay maamusho dowladda KMG, waa sida uu hadalka u dhigay.
|