:: Welcome --- Simba | News in Somali

Burcad badeeda oo dil iyo dhaawac u gaystay shaqaalaha saaran markab Turki ah
Posted on: Jimce, 31 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho

Burcad badeeda Soomaalida ayaa hareereeyay markab laga leeyahay Turkiga ka dibna waxaa ay toogasho ku duleen mid ka mid ah howl-wadeenada markabkaasi halka mid kalena ay dhaawaceen.

Wargeys ka soo baxay dalka Turkiga ayaa dhacdadan ka xaqiijiyay qoyska qof ka mid ah shaqaalaha markabkan.

Kooxaha burcad badeeda ayaa u suurta gashay in ay kala soo dhaqaaqaan markabkan Turkiga meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Wargaysa oo sharaxayay dareenka ay ka muujiyeen ehelada mid ka mid ah shaqaalaha markabkan oo iyagu khadka taleefanka kuwa xiriiray, ayaa waxaa uu xusay in ay walwal xoogan arrintu ka qabaan.

Qofkan ka tirsan la haystayaasha ee gacanta ugu jira burcad badeeda ayaa ka dalbaday eheladiisa in la bad baadiyo iyadoo eheladadu arrintaasi ay u gudbiyeen dowladda Turkiga.

Si kastaba, waxaa sii kordhaya tirada maraakiibta gacanta ugu jira kooxihii afduubtay ee burcad badeeda Soomaaliyda.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani