:: Welcome --- Simba | News in Somali

Qoysaska ku barakacay degmada Afgooye oo loo qeybiyay deeq lacageed oo dibadda ka timid
Posted on: Jimce, 31 July 2009 2009 - Simba, Afgooye

Qoysas barakacayaal ah oo ku dhaqan degmada Afgooye ayaa maanta waxaa loo qeybiyay deeq lacageed oo ka timid mid ka mid ah jaaliyadaha qurbaha ee Soomaaliyeed.

Deeqdan ayaa waxaa loo qeybiyay ilaa 150 qoys kuwaasoo ka mid ah barakacayaasha xilligan ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Mas'uulka loo soo wakiishay barnaamijkan ayaa ugu baaqay hay'adaha kale in ay wax u sameeyaan dadka barakacayaasha oo xilligan ay ka muuqato xaalado adag oo ay wajahayaan.

Dadka nasiibka u yeeshay in ay ka faa'idaystaan deeqdan ayaa si weyn uga mahad celiyay walaalaha Soomaaliyeed ee isku howlay barnaamijkan wax isku qabashada ah.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani