:: Welcome --- Simba | News in Somali

Ciidamo dowladda KMG ah oo iska horimaad ku dhex maray isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho
Posted on: Khamiis, 30 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho

Askar ka wada tirsan dowladda KMG ayaa maanta iska horimaad hubaysan ku dhex maray isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana inta la ogyahay ku geriyooday laba qof.

Mid ka ah dadka geeriyooday ayaa waaa uu ka tirsan yahay askarta dowladda KMG ee iska horimaadku dhex maray, waxaana la ogeyn sababta keentay isku dhaca.

Waxaa iska horimaadkan sidoo kale waxyeelo ka soo gaaray dad rayid oo iyagu ku sugnaa hareeraha isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Mudo kooban oo iska horimaadku socday ayaa waxaa hakad galay dhaq dhaqaaqa caadiga ee isgoyska Zoobe, iyadoo dhacdadan qeyb ay ka tahay waxyaabaha la yaalka leh ee ka taagan caasimadda, Muqdisho.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani