:: Welcome --- Simba | News in Somali

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo cabasho ka keenay bandowga saaran magaalada B/weyn
Posted on: Khamiis, 30 July 2009 2009 - Simba, B/weyn

Bandowga magaalada Beledweyn ayaa waxaa uu yeeshay saameyn iyadoo arrintaasi cabasho xoogan ay ka keeneen odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Maxamuud Axmed Xooshow oo u waramayay idaacadda Simba ayaa ka dalbaday saraakiisha dowladda KMG ee gobolka Hiiraan in ay wax ka bedalaan bandowga magaalada B/weyn.

Waxaa uu xusay in uu isku soo beegmay waqtiga uu bandowga bilaabanayo iyo xilliyada salaadaha taasoo caqabad ku noqonaysa gudashada waajibaadka salaadda.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay xiriir la sameeyeen saraakiisha ciidamada isla markaana suurta gal ay noqowaysay in ay wax meel isla dhigaan, iyadoo saraakiisha ay ku doodayaan xaqiijinta ammaanka.

Bandowga lagu soo rogay magaalada Beledweyn ayaa ka duwan kuwii hore isagoo bilaabanaya xilli galab ah oo dadku ku mashquulsan yihiin howl-maalmoodkooda.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani