:: Welcome --- Simba | News in Somali

Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug oo xilalkooda iska casilay
Posted on: Khamiis, 30 July 2009 2009 - Simba, Gaalkacyo

Siddeed ka mid ah xildhibaanada maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay in ay iska casileen oo ay ka baxeen xubinimada baarlamaanka Galmudug.

Talaabadan oo aan la ogeyn sababta dhalisay ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa iyadoo waayahan muran uu hareeyay mas'uuliyiinta maamulka Galmudug.

Xildhibaan Cali Maxamuud Qeyre ayaa ku tilmaamay go'aanka ay xildhibaanada qaateen mid aan wax micno ah soo kordhinaynin taasoo sabab uga dhigay in uu gabo gabo yahay jiritaanka maamulka haatan ee Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu intaasi ku daray in uu jiro qorshe lagu abaabulayo maamul cusub ay yeeshaan deegaanada la'isku yiraahdo Galmudug.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani