Diyaarado joog hoose ku duulaya oo lagu arkay degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose
Posted on: Khamiis, 30 July 2009 2009 - Simba, Baraawe
Degmada Baraawe ee koonfur bari gobolka Shabellaha Hoose ayaa la soo sheegayaa in ay dul heehaabayaan diyaarado joog hoose ku duulaya.
Dadka deegaanka oo sheegay diyaaradahan oo saddex helikonter ah in ay abuureen walaac dhinaca ammaanka ah.
Lama oga cidda iska leh diyaaradahan iyo ujeedada ay damacsan yihiin, kuwaasoo la rumaysan yahay in ay ka soo duuleen maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Dhowaan ayay aheyd markii sidan oo kale diyaarado joog hoose ku duulaya lagu arkay magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/Dhexe iyo weliba xaafado ka tirsan caasimadda, Muqdisho.
|