:: Welcome --- Simba | News in Somali

Ahmedou Ould-Abdallah oo ku baaqay in xafiisyada Qaramada Midoobay loo soo raro gudaha Soomaaliya
Posted on: Khamiis, 30 July 2009 2009 - Simba, UN

Qaramada Midoobay wakiilkeeda arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ku baaqay in loo soo raro xafiisyada Qaramada Midoobay gudaha dalka Soomaaliya.

Ahmedou oo ka hadlayay kulan uu yeelanayay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa waxaa uu soo jeediyay in la sameeyo qad-cagaaran gudaha magaalada Muqdisho oo ay ku howl galayaan xafiisyada Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

Waxaa uu dhinaca kale soo hadal qaaday dagaalada ka taagan Soomaaliya isagoona ka dalbaday beesha caalamka in aan la yaraysanin oo arrinta xil weyn la'iska saaro.

Waxaa uu sheegay dagaalada Soomaaliya in uusan aheyn kuwo u dhaxeeya Soomaalida oo qura dhexdeeda, isagoona mar kale ku celiyay in la garab istaago dowladda KMG uu hogaaminayo Shariif Sheekh Axmed.

Ahmedou Ould-Abdallah ayaa amaanay dadaalada dib u heshiisiinta ay wado dowladda KMG isagoona ku tilmaamay mid ku socota wadadii loogu tala galay, sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga jawaabta ka soo bixi karta baaqan ah in xafiisyada Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya loo soo raro gudaha caasimadda, magaalada Muqdisho.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani