Duqeyn xoogan oo lagu bilaabay xarunta cusub ee baarlamaanka dowladda KMG gudaha Muqdisho
Posted on: Arbaco, 29 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho
Duqeyn xoogan oo qasaare ka dhashay ayaa ka bilawday magaalada Muqdisho wax yar ka dib markii uu furmay kulankii labaad ee baarlamaanka uu maanta ku yeelanayo xaruntiisa magaalada gudaheeda.
Ilaa iyo haatan inta la ogyahay saddex qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay inka bada toban kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii madaafiicda qaarkeed ay ku dhaceen aaga baarlamaanka uu ku shirayo ee degmada X/weyne.
Baarlamaanka ayaa maanta waxaa uu ka shirayaa heshiiskii dhanka badda, waxaase kulanka qalqal geliyay daryanka madaafiicda oo si daran u hareeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa lagu dhaariyay xildhibaano cusub ka dib markii kal hore xilalkooda laga qaaday tiro ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka.
Jawiga magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka X/weyne iyo X/jajab ayaa haatan si aad ah u kacsan waxaana hakad la geliyay gebi ahaanba dhaq dhaqaaqa ganacsiga.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Radio Simba...
|