:: Welcome --- Simba | News in Somali

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo sheegay in howlo ammaan u joogaan degmada Doolow ee gobolka Gedo
Posted on: Arbaco, 29 July 2009 2009 - Simba, Doolow

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda KMG oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo la sheegay dowladda KMG in ay ka wado degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Xildhibaan Hilowle Aadan Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in uusan doonaynin dagaal ka dhaca gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in wada hadal lagu wajaho wax walba oo khilaaf uu ka taagan yahay isagoona arrintaasi ku adkeeyay xoogaga haatan dagaalka kala horjeeda dowladda KMG.

Waxaa hadalkan uu imaanayaa xilli dhaq dhaqaaqyo ciidan ay hareeyeen gobolada dalka oo ay isku horfadhiyaan dhinacyada hubaysan waxaana wararku ay tilmaamayaan in Doolow ay ka mid tahay goobaha xiisaddu ka taagan tahay, inkastoo xildhibaanku arrintaasi gaashaanka u daruuray.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani