M/weyne Shariif oo la kulmaya xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton
Posted on: Talaado, 28 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa qorsheynaysa in ay kulan la qaadato Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed inta ay ku guda jirto safar ay ku bixinayso dalal Afrikan ah.
Hillary Clinton waxaa ay noqonaysaa sarkaalkii ugu horeeyay ee maamulka Obama oo kulan la qaatay M/weyne Shariif Sheekh Axmed.
Kulankan ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalada Nairobi, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Ameerikaanka.
Wasaaradda faah faahim ma aysan ka bixinin qodobada looga arrinsanayo kulanka, balse waxaa la sheegayaa inay ugu horeeyaan arrimaha ammaanka iyo mida burcad badeeda.
Hillary Clinton ayaa markaasi ka dib sii ambaqaadaysa socdaalkeeda oo ay ku
bixin doonto todobo ka mid ah dalalka qaaraddan Afrika.
|