:: Welcome --- Simba | News in Somali

Xaaladda magaalada Muqdisho ee saaka ka dib weeraro dhinac socday duqeymo xoogan
Posted on: Talaado, 28 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho

Waxaa saaka degan xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hareeyeen weeraro dhinac socday duqeymo xoogan oo dhacay maalinimadii shalay.

Magaalada Muqdisho oo saaka roobab ay ka da'ayaan ayaa xaaladdu waxaa ay tahay mid xasiloon inkastoo mararka qaar la maqlayo rasaas kala duwan.

Weeraradii u dambeeyay iyo duqeymaha barbar socday ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan toban qof halka inka badan labaatan kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo lagu daweynayo xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Waxaa jira baaqyo isoo tarayo oo lagu dalbanayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro dagaalada taasoo suurta gal ka dhigaysa in ay hakad galaan dhibaatooyinka soo gaaraya dadka shacabka ee dagaaladu soo daashadeen.

 

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani