C/nuur Darmaan oo sheegaya inuu kaalin ka geesanayo sii daynta maxaabiista Soomaalida ee ku jira xabsiyada Libya
Posted on: Talaado, 28 July 2009 2009 - Simba, Washington
Siyaasiga Cabdi-Nuur Axmed Darmaan ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo sidii ay dib ugu heli lahaayeen xoriyadooda muwaadiniin Soomaali ah oo ku jira xabsiyada wadanka Libya.
Isagoo ku sugan magaalada Washington ayaa waraysi uu siiyay idaacadda Simba, C/nuur Darmaan waxaa uu sheegay in uu la sameeyay xiriiro kala duwan dowladda Libya si ay u fudaato sii daynta maxaabiista Soomaaliyeed.
"Meel walba wakiilo ayaa inoo jooga sidaasi ayaana howsha ku wajahaynaa" ayuu yiri C/nuur Darmaan oo taageerayaashiisa u doorteen in uu noqdo madaxweynaha Xisbiga Jamhuuriga.
Darmaan ayaa waxaa uu sheegay in uu hore ugu guulaystay kasii daynta maxaabiis fara badan xabsiyo ku yaala dalal kala duwan.
Mas'uulka ugu sareeyay Xisbiga Jamhuuriga C/nuur Darmaan ayaa dhinaca kale waxaa uu si kulul u eedeeyay Qaramada Midoobay.
|