M/weyne Shariif oo khudbad ka jeediyay kulan uu baarlamaanka ku yeeshay magaalada Muqdisho
Posted on: Axad, 26 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho
Xildhibaanada baarlamaanka dowladda KMG oo maanta kulan yeeshan ayaa waxaa lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir waxaana ka qeyb galay M/weyne Shariif Sheekh Axmed.
M/weynaha ayaa khudbaddisa waxaa uu ku soo qaatay ereyo kul kulul oo uu ku weeraray xoogaga haatan dagaalka kula jira dowladdiisa, isagoona tilmaamay in dowladda KMG ay guulo ka gaartay dagaalada ka taagan qeybo dalka ka mid ah.
M/weyne Shariif ayaa baarlamaanka waxaa uu ka hor sheegay in waqti dhow ay dalka soo gaari doonaan ciidamo ka socda dowladaha Nigeria iyo Siralion.
Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa lagu falan qeeyay heshiikii dhanka badda ee mar sii horaysay dhex maray dowladda KMG iyo Kenya, iyadoo xildhibaanada loo qeybiyay qoraalo heshiiskaasi ku saabsan.
Gudoomiyaha baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay shan xildhibaan oo laga qaaday xilalkooda, wuxuuna tilmaamay iyagu in ay sidaasi go'aansadeen in ay ka baxeen xubinimadooda baarlamaanka.
Sh. Aadan Madoobe ayaa waxaa uu digniin u jeediyay 14 xildhibaan kale oo uu sheegay in hadii mudo 15 maalmood gudahood ku soo xaadiri waayaan kulamada baarlamaanka iyaguna ay waayi doonaan xubinimada baarlamaanka.
Ciidamada dowladda KMG oo ay kaabayaan kuwa Amisom ayaa isku gadaamay xarunta maamulka gobolka Banaadir iyadoo la xiray dhammaanba wadooyinka aada xarunta oo uu maanta markii ugu horaysay ku shiray baarlamaanka dowladda KMG.
Kulanka ayaa si deg-deg ah loo soo gaba gabeeyay ka dib markii tiro madaafiic ah ay ku soo dhaceen hareeraha xarunta maamulka gobolka Banaadir inkastoo aan la soo sheegin qasaare halkaasi ka dhashay.
|