Maamul cusub oo Xisbul Islaam ah oo looga dhawaaqay gobolka Banaadir
Posted on: Axad, 26 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho
Munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabay maamul cusub oo Xisbul Islaam ah.
Munaasabaddan oo goob joog ka aheyd saxaafadda ayaa waakiilka gobolka Banaadir ee maamulka Xisbul Islaam waxaa loo magacaabay Macalin Xaashi Faarax.
Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhisan laba maamul oo ay kala hogaaminayaa xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin iyo dowladda KMG, waxaana ku soo biiray maamulka cusub ee Xisbul Islaam.
Saraakiisha Xisbul Islaam ee ka qeyb galayay munaasabadda loogu tala galay ku dhawaaqista maamulkooda cusub, ayaa waxaa ay sheegeen in uu si toos ah u howlgalayo laba bilaabo maanta.
Ururka Xisbul Islaam ayaa maamulo waxaa uu u sameeyay qaar ka mid ah gobolada dalka.
|