:: Welcome --- Simba | News in Somali

Soomaali fara badan oo si xoogan uga cabanaya xad gudubyo lagu hayo gudaha xabsiyada wadanka Libya
Posted on: Isniin, 27 July 2009 2009 - Simba, Tripoli

Soomaali fara badan oo ku jirta xabsiyada wadanka Libya ayaa ka cabanaysa dhibaatooyin xoogan oo ku haysata xabsiyadaasi.

Qaar ka mid ah maxaabiistan oo u waramayay idaacadda Simba ayaa si kulul waxaa ay u eedeeyeen safiirka dowladda KMG ee wadanka Libya in uu ula dhaqmay si ka duwan howshiisa oo si xun ah, sida ay yiraahdeen.

"Siyaabo kala duwan ayaan isku daynay in aan ula xiriirno, waxbana wuu inoo qaban waayay oo xittaa hadal wanaagsan inooma quurin" sidaasi waxaa yiri Maxamed Cusmaan oo sheegay in uu xabsiga ku jiro sanad ku dhowaad.

Qaarkood ayaa la sheegay in ay isdileen oo sun ay cabeen ka dib markii dhibaatooyinka ay xamili kari waayeen.

Maxaabiistan oo isugu jira rag iyo dumar waqtiyo kala duwana ku jira xabsiyada wadanka Libya ayaa waxaa ay sheegeen in aan weli la soo taagin sharciga si loogu xukumo dambiyada loo haysto ama loo fasaxo hadii lagu waayo, iyagoona muujiyay xad gudubyo kala duwan oo loo gaysto.

Dalka Soomaaliya oo aan waqti badan ka jirin xukuumad shaqeysa ayaa shacabka Soomaaliyeed oo ku kala firxaday daafaha caalamka waxaa aysan helin cadaalad, kuwaasoo ka cararaya dagaalada daba dheeraaday xalkoodana aan weli muuqanin.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani