Gudoomiye k/xigeenka maamulka gobolka Banaadir oo si kulul u cambaareeyay xoogaga hubaysan
Posted on: Axad, 26 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Shaaweeye oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu ku soo qaatay hadalo kulkulul oo uu ku weerar xoogaga hubaysan.
Waxaa uu sheegay in la diyaarinayo qorshe ka dhan ah xoogaga hubaysan si looga adkaado, waa sida uu hadalka u yiri.
C/Fitaax Shaaweeye ayaa waxaa kaloo uu sheegay qorshaha in uu qeyb ka yahay in loo diro ciidamada dowladda KMG dhammaanba gobolada dalka.
"Gobol iyo meel walba waan tagi doonaa, meeshana waan ka saari doonaa.." ayuu yiri C/fitaax Shaaweeye oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir.
Waxaa uu shirkiisa jaraa'id dhanka kale dhaliilay ugu soo jeediyay hay'adda QM ugu qaabilsan dhinaca cunada ee WFP.
Waxaa uu sheegay WFP in looga baahan yahay in ay meel iska dhigto marmarsiimaha, oo ay kala cadayso hadii ay qeyb ka qaadan karto wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo hadii kale.
|