Sarkaal DKMG ah oo beeniyay inay ciidamada Itoobiyaan ku laabteen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan
Posted on: Axad, 26 July 2009 2009 - Simba, Hiiraan
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ee gobolka Hiiraan ayaa been abuur ku tilmaamay in ciidamada Itoobiya dib ugu laabteen qeybo ka mid ah gobolkaasi.
Shalay ayaa warar laga helay dadka ku nool hareeraha deegaanka Kalabeyr waxaa ay sheegeen in halkaasi ay ku soo laabteen oo xarumo ka sameysteen ciidamo Itoobiyaan oo wehlinaya gaadiidka dagaalka iyo kuwa gaashaaman.
"Ma arkin wax ciidan Itoobiyaan ah tan iyo maamulkii hore dowladda KMG gudaha gobolka Hiiraan" ayuu yiri Maxamed Nuur Dabaashe oo beeniyaya wararkaasi soo baxay ee la xiriira in ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale, gudoomiyaha maamulka degmada Yeed isaguna waxaa uu meesha ka saaray in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ay ku soo laabteen.
C/faaqid Duwane oo ah gudoomiyaha degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa waxaa uu ku adkaystay in aysan ku sugneen degmadaasi wax ciidan Itoobiyaan ah, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhaq dhaqaaqyo ciidamada Itoobiya ka sameynayaan gudaha dalka ayaa la dareemayaa mudooyinkan dambe balse waxaan kala cadeyn ujeedooyinkooda, iyadoo saraakiil ka tirsan dowladda KMG ay dafireen xittaa in ay mar kale yimaadeen.
|